daajis.com:- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya, Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu ka hadlay guushii Soomaaliya ay ka gaartay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeysa iyada iyo dowladda Kenya.
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in muranka Dacwadda uu soo socday mudo Labo sano ah, go’aankii ugu horeeyayna uu soo baxay Khamiistii, go’aankaas oo ku saleysnaa is hor istaagii hordhaca ahaa ee ay Dowladda Kenya u soo gudbisay Maxkamadda, si aanay Maxkamadda u dhageysan Dacwadda.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwadan ay juhdi badan geliyeen Xukuumada, Qareenada, Aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed, taasina ay sababtay in guul hordhac ah Soomaaliya ay ka gaarto muranka Badda.
Waxuuna sheegay Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ee fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee Dalka Nedetland inay ku qanacday doodii Dowladda Federaalka, taasina ay sababtay in la diido sheegashadii Kenya.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay Dowladda Kenya in la siin doono mudo ku siman 6 Bilood, mudadaasna ay kaga soo jawaabi doonto Dacwadda hortaalla, intaasi kadibna la guda gali doono dooda Labaad, taas oo laga soo saari doono go’aanka ugu dambeeya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at