daajis.com:- Labo Iyo Toban nooc oo haweenka la qabo ka mid ah oo laga yaabo in ay khiyaano (Gogol dhaaf) ku sameeyaan raggooda.
Baaritaan ay ka qayb galeen haween badan oo ka kala socday wadamo kala gadisan oo caalamka ah oo ay dhawaan sameeysay jaamacadda Mackanzie ee ku taala magaalada sea polo ee wadanka brazil ayaa waxa lagu ogaaday in qaar ka mid ah haweenka la qabo laga yaabo in ay khiyaano(gogol dhaaf) ku kacaan marka loo fiiriyo haweenka kale ee caadiga ah haddii calaamadahan soo socda laga helo waana sidatan:
1- naagta leh asxaab badan oo rag ah(sababtoo ah ragga nooc walba ayaa ku dhex jira wax walibana waa ka suuroobaan).
2- naagta leh asxaab badan oo haween ah oo horey ragooda u soo khiyaanay.(sababtoo ah haweenku waxa ay sameeyaan waa ay iskaga maseeraan iskagana daydaan).
3- naagta jecel mar walba in arimaheeda la daneeyo oo ahmiyad gooni ah la siiyo(haddii ninkeedu daneyn waayo nin kale oo daneynaya ayey raadsaneysaa).
4- naagta si xad dhaaf ah u jecel hantida iyo maalka(iyada oo dhaqaalo raadineysa ayey nin lacag haysto u tagi kartaa).
5- naagta ku muujisa naagnimadeeda kulanka sariirta oo kaliya(iyada oo is leh bal naagnimadaada soo ogow ayey niman kale raadineysaa).
6- naagta jecel in ay wax walba oo riski ah qaadato,(maadaama ay riskiga jeceshahay ayaa laga yaabaa in gogol dhaafka ay sameyso).
7- naagta xiisaaleyda ah (xiiseeyn niman kale in ay kulan sariirta ah la sameyso ayaa laga yaabaa in ay gogol dhaaf ugu dhacdo).
8- naagta horey ninkeedu uu khiyaano(gogol dhaaf) u soo sameeyay.(tan waa middi middi ku gud waxaad sameysay uun ayey sameysay).
9- naagta balwadda leh noocey doonto ha noqontee(iyada oo wax ay balwad ku gadato raadineysa ama balwad inta isticmaashay miirkeeda joogin ayaa laga yaabaa in ay gogol dhaaf sameyso).
10- naagta si xad dhaaf ah u jecel kulanka sariirta.(tan waa iska cadahay haddii ninku daalo ama wax ka tari waayo ayey niman kale raadsaneysaa si hawsha qabyada ka ah u soo dhameystirato).
11- naagta jecel mar walba in ay wax waliba soo tijaabiso oo fikrad ka soo qaadato.(soo tijaabi oo soo arag ayaa laga yaabaa in gogol dhaaf u sameyso).
12- naagta niyad ahaan u maleysa in ay liidato oo waxba ahayn(naagta ninkeedu liido mar walba nin kale oo niyadeeda kor u soo qaadaya ayey raadsaneysaa).
Ugu danbeyntii walaalayaal arimahaan oo dhan waxaa ka muhiimsan qofka ilaahey ka baqa kaas ayaa is dhawri kara isna xakameyn kara saas daraadeed rag iyo dumarba waxaan ku waaninayaa in mar walba ay cabsida ilaahey ku dadaalaan si ay u dhawrsamaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at