Al-Shabaab oo arrin ay ku farxaan Shacabka Soomaaliyeed ku dhawaaqay Kadib Markii….

Al-Shabaab oo arrin ay ku farxaan Shacabka Soomaaliyeed ku dhawaaqay Kadib Markii….

daajis.com:- Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan u ogolaanayaan inay u gargaar doontaan deegaanada kale ee ay dowladda maamusho.

Al-shabaab waxay sheegeen in dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan oo abaarta daran ay saameysay iney cunno iyo biyo u raadsan karaan deegaanada kale ee ay ka heli karaan.

Laakiin Al-shabaab ma aysan ogolaan in hay’addaha gargaarka qaarkood ay tagaan deegaanada ay maamulaan oo mar hore ay ka mamnuuceen.

Suldan Calaa Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa sheegay inay fasaxeen dadka abaarta ay saameysay si ay u raadsadaan raashiin iyo biyo waxay heli karaan.

Wuxuu sheegay in marnaba shacabka aysan ka hor istaagi doonin inay gargaar u raadsadaan deegaanadda dowlada Soomaaliya ay maamusho.
Waa markii ugu horeysay oo AL-shabaab ay shaaciyeen warkaan oo kale, waxayna arinta imaaneysaa iyadoo abaarta ay saameyn weyn ku reebtay xoolaleyda iyo beeralayda Soomaaliyeed.

Waa arin aanan la fileyn maadaama marar badan ay Al-shabaab dileen dad shacab ahaa oo ka tagay deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada