Al-Shabaab oo xerooyinka dadka abaarta ay saameysay ka bilaabay arrin naxdin leh

Al-Shabaab oo xerooyinka dadka abaarta ay saameysay ka bilaabay arrin naxdin leh

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab oo ah urur looga bartay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed, ayaa markaan ku dhaqaaqay arrin aad looga naxo oo ay ka sameyeen xirooyinka(IDP) lagu xareeyey dadka ay saameysay abaarta kusoo oo kasoo barakacay deegaanadii ay ka daganaayeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay inay dhallinyaro badan ka qortaan xerooyinka dadka soo barakacay iyagoo ka faa’ideysano duruufta adag oo ay ku jiraan, waxayna xoogga saarayaan dhallinyarada kusoo barakacay xirooyinkaas.



Ururka Al-Shabaab ayaa xerooyinka ka kaxeystay ilaa dhawr dhallinyaro ah iyagoo u bilaabay tababar ay kaga mid dhigayaan liiska dagaalyahanada u diiwaan gashan taasoo lagu tilmaamay inay tahay mid ka baxsan bini’adanimada.

Meelaha ay Al-Shabaab ka bilaabeyn falkaan guracan ayaa waxaa kamid ah Gobolada Bay iyo Bakool sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.


Dadkaan ayaa ah kuwa masaakiin ah oo ay saameyn weyn ku yeelatay abaaraha,  waxayna Al-Shabaab uga faa’ideysanayaan dhibaatada heysato, iyagoo siinayo Raashin iyo biyo si ay uga mid noqdaan Ururka Al-Shabaab.

Hey’adaha xuquul Insaanka iyo kuwa carruurta ayaa dhawr jeer ka digay falkaan ay bilabeyn Al-Shabaab, waxayna ku baaqeyn in si deg deg ah dadka dhibaateysan loo caawiyo si aan baahidooda waxyaabo kale oo dhibaato ku ah dalka looga faa’ideysan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada