Daawo Video: Madaxwayne Erdogan oo Kusoo Wajahan Soomaliya iyo Saldhiga Lagu Tababari doono Ciidanka Somalia

Daawo Video: Madaxwayne Erdogan oo Kusoo Wajahan Soomaliya iyo Saldhiga Lagu Tababari doono Ciidanka Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in uu xadhiga ka jaro saldhig ciidan oo ay dowlada Turkiga ka dhistey duleedka magaalada Muqdisho, Sidoo kale Dowlada Turkiga ayaa ka hirgelisay mashaariic kala duwan dalka Soomaaliya iyadoo ka dhisatay safaaradeeda ugu weyn qaarada Afrika.


Saldhigan Milatari oo dhowaan uu soo booqday taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu tababari doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Baaxada saldhigan oo bedkeedu waxa uu yahay 400 oo Hegtar waxaana la sheegay in ay ku baxday lacag gaareysa $50 Milyan.

Booqashada uu ku imanayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ah tii ugu horeysay uu ku yimaado tan iyo markii uu Madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada