daajis.com:- Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo tan iyo 15-kii bishii hore ku jira xabsi ku yaal magaaladda Hargeysa ayaa halkaas kasoo diray fariin murugo iyo xanuun leh.
Cabdi Maalik oo ah wariye lagu yaqaan caawinta dadka Soomaaliyeed ayaa loo xiray safarkiisii Muqdisho iyo damaashaadkii uu la qaatay shacabka SOOMAALIYEED kuwaas oo taageersanaa Madaxweyne Farmaajo.
Isagoo ku xiran xabsiga Hargeysa ayaana waxaa uu abaalmarinta shaqsiga sanadka ka helay hay;ad ka dhisan dibadda, laakiin wariyaha oo fariin murugo leh soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay sida uu uga niyadjabsan yahay in abaalmarintaas ay soo gaarto isagoo xabsi ku jira.
Waxaa uu sheegay inuu la murugeysan yahay hooyadiis oo ku sugan Hargeysa taas oo wal walka ugu xoogan qabta maadaama wiilkeeda xiran yahay, isagoo tilmaamay inuu hooyadiis uhibeeyay abaalmarintaas.
Wariye Coldoon ayaa wali ku jira xabsiga, mana jirto isku day lagu deynayo xataa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaanan wax isku day ah ku sameyn in la sii daayo wariyahan.
Saxaafadda ayaa dhibaato xoogan kala kulanta gudaha dalka oo isugu jira dilal, weeraro iyo xabsi oo ay usii dheertahay handadaad lagu diidan yahay shaqadooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at