Ka qeybqaado Dhismaha Masjidka Al-Xaramayn ee magaalada Jowhar

Ka qeybqaado Dhismaha Masjidka Al-Xaramayn ee magaalada Jowhar

daajis.com:- Culumaa’udiinka, Ganacsatada Jowhar  iyo Guddiga Masjidka Alxaramayn ayaa ku baaqay in laga qeybqaato dhismaha Masjidka Al-Xarameyn Jowhar

Shir  ay isugu yimaadeen Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha ka howlgala Magaalada Jowhar, shirkaas oo looga arinsanayey sidii dib looga dhisi lahaa loogana dhigi lahaa laba Dabaq masjidka Weyn ee Magaalada Jowhar.

Isla goobta ayaa waxaa lagu yaboohay lacag ka badan boqol kun oo Dollar, Xoolo nool. Shamiinto, Jaay  iyo Dhagax (Fiiri Lifaaqa liiska Yabooha Hoose)  Masjidka ayaa waxaa lagu qiimeyey in ay galeyso lacag dhan   $435,864.00

Guddiga Masjidka  Al Xaramayn ee ku yaal magaalada Jowhar gaar ahaan suuqa weyn ee Hantiwadaag waxa ay ka codsanayaan ummada islaamka inay ka qeyb qaataan ballaarinta Masaajidka oo la doonayo in laga dhigo dhismihiisa mid labo dabaq ah.

Guddiga iyo culumaa’udiinka oo  la hadlay jowhar.com ayaa sheegay in Muslimiinta Meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan Soomaalida dal iyo dibadba ay ka qeyb qaataan Dib-udhiska Masjid Al Xaramayn Jowhar.

Muxsiniinta ayaa waxaa ay ku soo hagaajin karaan Waxii ay awoodaan oo Tabarucaadooda ah Accounada kala ah

Salaam Bank               31375604.

Dahabshiil Bank         MUQD0028481

EVC-Plus :                  612784000


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada