Kooxda DAACISH oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Kooxda DAACISH oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay Magaalada Muqdisho (Warbixin)

daajis.com:- Kooxda Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahano katirsan Kooxdooda magaalada Muqdisho ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

War lagu baahiyay Wakaalada Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee Amaq ayaa lagu sheegay in Degmada Yaqshiid gaar ahaan xaafada Fagax dagaalyahno Daacish katirsan ku dileen Sargaal katirsanaa Nabad sugida.

Daacish ayaa sheegtay in ay dileen 20-kii bishan Muxiyaddiin Amaddi oo ay tilmaameen in uu katirsanaa Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, mana bixin kooxdaasi faah faahino dheeraad ah oo dilkaasi ku sabasan.

Saraakiisha Nabad sugida iyo dowlada ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay kooxda Daacish, waaana dilkii ugu horeeyay ee mudooyinkan dambe ka dhaca magalaada Muqdisho ay sheegtaan masuuliyadooda Daacish.
Kooxda Daacish ayaan awood badan ku laheyn gudaha Soomaaliya, waxaana inta badan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Masuliyadooda sheegta Kooxda Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada