Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo oo si adag uga hadlay Go’aanka xayiraadda ee Donald Trump from Caasimada Online by Sahra Axmed Jimcaale (Xanaan)

Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo oo si adag uga hadlay Go’aanka xayiraadda ee Donald Trump from Caasimada Online by Sahra Axmed Jimcaale (Xanaan)

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa goordhow ka hadlay xayiraadda Donald Trump uu saaray 6 dal oo Muslimiin ah.

Farmaajo, ayaa sheegay inuu Cambaareynaayo go’aankaasi waxa uuna tilmaamay in 150 kun qof oo Somali ah inay gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay inaysan muhiin aheyn in lagu tacadiyo dalal gaar ah, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Dowladiisu ay aad uga xun tahay go’aanka xayiraada ee uu qaatay Trump.

Qoraal gaaban oo ay daabacday Wakaaladda wararka ee AP oo xiganeysa Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku dadaali doono sida Somalia looga saari lahaa Liiska 6 dal.

Isagoo ka hadlaayay arrintaani ayaa waxa uu yiri “Waxaa mudan inaan ka hadalno waxtarka dadkeena Soomaalida ah ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”

”Micno ma keeneyso in dhowr qof dartooda loo cadibo kumanaan qof waxaan ku dadaaleynaa xal u raadinta saameynta uu go’aankaasi ku yeelanaayo dadkeena”

Haddalkani ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Mareykanka Trump uu mar kale ku celiyay in xayiraada la saaro dalalka 6 ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada