Maseyr Mac Macaan Ma Lagu Badalan Karaaa “Qiso Cajiib Ah Oo La Soo Gaarsiiyay Sheikh Mohamed Idiris”..

Maseyr Mac Macaan Ma Lagu Badalan Karaaa “Qiso Cajiib Ah Oo La Soo Gaarsiiyay Sheikh Mohamed Idiris”..

daajis.com:- Wiilka hada aan is qabno wiil baa iiga horeyay, wiilka hore waxaan is guursanay Aniga oo aad u yar .. Mudo badan Aniga oon la joogin baan Ka soo dhoofay .. Nin xun mahayn wuxuu ahaa nin dhalinyara ah oo ilahay diintiisa jecel salada tukada oo aan soo Marin dhalinyaro nimo, means ku jiray usro diini kuna waynaday sida..

Nin wayn mahayn nin marka wax yar Iga wayn buu ahaa.. Wiil kii markan Ka soo tagay anoomba wax yar soo maqnayn buu naag guursaday. Mar kaan maqlay waxaan codsaday in la I furo ninkaas na waxaan u arkay qeyru masuul aan I hanan Karin Inuu yahay . Aniga oo markaa ay ii muuqato Inuu yahay nin maskiin ah oo aan ba waxba haysan hadana ay ii dheer tahay maseyr Iyo in aan Ka xanaaqay Inuu naag ila guursaday ..

Ilahay wa qaadir wax kastana isiga awoodiisay ku dhacaan .. Shiikh wiil kii Iyada oo uu leeyahay Khalad baa Iga dhacay guur aan u qasday mahayn un qadar igu dhacday bay eheed Iyo wali sidii baan kuu ahay Isaga oo ileh baan ku adkaystay in la ifuro.. Taa waxaa sii dheer waalidkiis Iyo walaaladiis oo mid ba mar ileh walaalay joog anagaa ku rabna oo ku baryayna baan, Ka diiday sidii baana la igu furay.


Mudo Kasoo wareegatay Inaan guursaday ilahay fadligiii nin wanagsan oo wiilkii aan waxba Ka dhicin oo ahlu diin ah, dabeecad wanagsan, Ilahay qadartiis isagana wax yar markan isqabnay naag buu guursaday waliba family kiisa ayaa Ka dambeeyay Inuu guursado..

Waxaa taa ii dheer laba qof isma waydiinin Inaan masayray iyo in kale, ileen gabadha hadii lala guursado way xanaaqdaa oo la sasabaa, waxaas waxaan haystay family I jecel oo dadka ii xiga oo waliba ila carooday .. Waa halka somalida ay Ka dhado meel Lagaa jecel yahay hadaad Ka tagto Mel laga neceb yahay baad tagtaa .

Iyadoon hada wax eed ah oo aan Ka tirsanayo Reerka hada I qaba ay San jirin hadana qalqaaliska ay wiil kooda ku qalqaaliyeen guurka baan Ka xumaaday ayaga oo aan fiirin wax Ka dhalan Kara .. Iyo in aan jeclaa bal in la xasuusto Inaan bina aadan ahay oo aan maseerayo ..

Cid masayr kaygii isku soo qaaday ma jirto ileen hore bay iigu soo dhacday marlbaad Inaan meeshii istaagaa waa ii doqoniimo ..

Booskii maseerka jeceel Iyo dulqaad Iyo hadal macaan baan ku badalay, anoo og Inaan xanaaqay hadana ma buuqin mana Qaylin anoon Cidna ku xad gudbin baan dareen kaygii maseer nin kayga ugu gudbiyay ..

Mashaa Allah waxaana Ka dhaxlay wanaag Iyo karaamo aanan horay u haysan Iyo in uu har Iyo habeen ileeyahay Adiga ah asaaska noloshayda kaamana maarmi karo.. Iyo care garayn Iyo kalgacal siyada ah ..

Hada waa wada joogna adigana qayb wayn baad ku lahayd Inaan sidan ula sii dhaqmo anoo awalba samirsanaa hadana taladaadii aad baan ugu sii dagay ..Marka hadal kayga muhiimadiisu waxay tahay gabdhuhu waa la ila guursaday in aysan guryahooda Isaga burburin oo ay niman kooda saa ku haystaan haduusan nin shaqsiyad xun markii sii hore ahayn AMA akhlaaq Daran..Waayo grantee Maahan kan dambe inuusan la guursan doonin . Niman kooda ha soo jiitaan hana Tusan jeceel saa’id ah si iyadu ay u noqoto Qofka kaliya oo fura ninka .. Sideedana wanaag baa wanaag dhala Samir kana waxa lagu helaa libaan …
_________________________

Gabadhaas waxaan leeyahay: khayr Allaha ku siiyo durriyad saalixa oo qalbigaagu kusii qaboobo ishaaduna kusii raaxaysato Allaha Qaadirkaa ha ku siiyo.. Annaguna waan kula wadaageynaa farxadaada, sidaan kuula wadaagney murugtaada walaal, ilaahayna jacaylka iyo nolosha wanaagsan ee adiga iyo zawjkaaga ha idiin siyaadiyo, iimaan iyo camal saalixana haydin siiyo..

Masayrku waa shey gabdhaha xaawo Ilaahay ku abuuray, waana shey wanaagsan oo la’aantiis aaney noloshu dhadhan yeelateen, waa sida milixda cuntadu u tahay, la’aanteed dhadhan ma leh, laakiin hadey ku badato lama cuni karo, had iyo goor waxaan gabdhaha walaalahay ku iraahdaa, masayrka waa shey dabiiciya, waana loo baahan yahay, laakiin waa inaanu xadka dhaafin oo xargaha goosan, oo naga tan badin, haduu naga tan badiyo waa sida maroodiga wixii uu cagta saaraba burburiya xitaa beerkiisa iyo buulkiisa..

Ragga laftoodana waa sidoo kale, nimaan masayr lahayni nin maaha, laakiin masayrka sabab la’aanta ah oo xad dhaafka ahi waxbuu kharibaa, noloshanaa cadaab ayuu ka dhigaa..

Gabadhaha uma saadaalino in lala guursado, laakiin hadey dhacdo, waa iney noloshooda ku diriraan oo ku fara adaygaan, oo aaney gabadha u soo dhacday u deyn sidey rabtey.. Taasina wexey ku iman kartaa iney ninkeeda kasbato, tartanka dhiniceeda ka gasho, wax badan oo khibrad ah ayey u leedahay ninka iyo guriga taasoo keeniba karta si fudud iney tan dambe xerada u banayso..

Laakiin xanaaqa iyo masayrku haduu ka tan badiyo guriguna dumo, saacad ayey caradu ku qaboobeysaa ka dibna noloshu waa sideedi oo masayrka iyo ficiladiisu waxba ma xalin wexey sii haleeyaan mooyaane.. Laakiin in yar baa dumarka arrinka garwaaqsan karta waa inta samirka iyo dulqaadka ilaahay siiyey, qof nasiib weyn leh ayaana hela.

Bal Hadda masayrka mac macaan hadii lagu bedelo maxaa ka dhasha ma lays weydiin karaa? Waa filayaa in la tijaabiyo..sida gabadhan walaasheen ah oo labadaba waaya arag usoo ahayd..

Qalinkii Fanax fariid

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada