daajis.com:- Agaasimihii Waaxda dab damiska, Solar-ka iyo Korontada Gobolka Banaadir C/llaahi Maxamed Cabdulle (Saney) ayaa iska casilay xilkii uu hayay, kaddib markii uu sheegay in wax laga qaban waayay baahiyaha waaxda dab damiska ee dowladda Hoose.
Agaasimaha ayaa sheegay inay muddo soo jireen duruufo kala duwan oo soo wajahay shaqaalihiisa, kuwaasoo aanan wax xuquuq ah heli jirin.
Waxaa uu sheegay in muddo ay soo dhabar adeegeen, isla markaana aanay wax mushaaraad ah qaadan shaqaalaha dab damiska, sidaas darteed uu go’aansaday inuu shaqada isaga tago.
C/llaahi Saney ayaa ku eedeeyay maamulka Gobolka Banaadir inay iska dhega tireen xuquuqdii ay lahaayeen shaqaalihii dab damiska.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii u dambeeyay ku caan baxay qabashada xafladaha iyo casho sharafta loo sameeyo Mas’uuliyiinta, tiiyo ay jiraan baahiyo ay qabaan shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha dowladda Hoose.
Howlaha Adeega dowladda Hoose ee Xamar oo horay u ahaa mid u shaqeynayay qaab NGO ah, kaddib markii shirkado gaar ah gacanta loo geliyay ayaa waxaa sii dheer sida aanu maamulka ugu diyaarsaneynka hor-taga musiibooyinka, sida dhacdadii gubashada Suuqa Bakaaraha oo ay jirtay dhaliilo Maamulka loo jeediyay qaabkii loo maareyn waayay dabkaas oo labo jeer soo noqday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at