daajis.com:- Shalay markii uu dhamaaday kala fadhigii lagu ansixinayey Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayu guddoomiyaha baarlamaanka la kaftamay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo soo xirayey kala fadhigaas ayaa yiri “ Aniga ma garanayo magaca Farmaajo waxa uu noqonayo Af-Soomaali ahaan, koleyba waa soo baari doonaa”.
Haddaba caasimadda Online ayaa dabagashay macnaha ereygaas iyo halka uu ka imaaday waxayna go’aansatay inay la wadaagto aqristayaasheeda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa heysta naaneysta (Farmaajo) oo asal ahaan ka timid ereyga (Formaggio) oo ah kalimad Talyaani ah oo loo yaqaan waxyaabo macmacaan ah oo laga sameeyo Subagga caanaha lana soo marsiiyo warshad, english-kana lagu yiraha Cheese, waxaana Soomaaliya keeni jiray gumeystihii Talyaaniga.
Balse markii la sameenayey qaamuuska afka Soomaaliga ayaa ereygii loo badalay (Famaajo) oo macno ahaan ah (Mid la jecel yahay) ama (Xalwo).
Waaya aragii hore ayaa isku khilaafay sababta keenta in Oday Cabdullahi oo ah aabaha madaxweynaha Soomaaliya loogu bixiyo naaneystaan, kuwa qaar ayaa sheegayo inuu Cabdulaahi Jeclaa (Formaggio) oo ah sheygii macaanaa ee Talyaaniga dalka keeni jiray sidaasna loogu bixiyey magacaas.
Halka qaar dadkii hore ay kuu sheegayaan inu naneystaan ugu baxay maadaama uu ahaa nin naxariis badan oo ay dadka dhan jeclaayeen taasoo keentay in loo bixiyo magaca (Farmaajo) oo ah ereygii Soomaaliga laga dhigay ee ahaa (Mid la jecel yahay) ama si kale Xalwo oo ah wax ay dadka jecel yihiin.
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaal Guddoomiyaha Baarlamanka marka uu hadalkaan sheegayey
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at