Farmaajo oo taliyayaasha ciidamada ku amray inay halkaan arrin u sameeyaan ama deg deg xilka isaga soo wareejiyaan

Farmaajo oo taliyayaasha ciidamada ku amray inay halkaan arrin u sameeyaan ama deg deg xilka isaga soo wareejiyaan

daajis.com:- Waxa Magaalada Muqdisho kuso badtay dilal iyo qaraxyo ay sameenayaan Ururka Al- Shabaab tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha ugu sareyso ee laamaha amaanka dowladda waxaana looga arinsaday Xaalada guud ee Muqdisho iyo sidii amnigeeda loo sugi lahaa.

Madaxweynaha ayaa Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya isugu yeeray Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Nabad Sugida, Milatariga, Abaanduulaha Ciidannka Xooga dalka Soomalaiya iyo taliyayaasha Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir waxaan halkaas ka dhacay kulan aad xasaasi u ahaa.

Kulankaan ayaa waxaa si deg deg ah u dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuuna si lama filaan ah u waydiiyey inta jeer oo uu weerar ka dhacday Muqdisho tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 8 February 2017.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha u sheegay inay tahay wax aan la qaadan karin in maalin kasta caasimadda Soomaaliya ay ka dhacaan falal amni daro ah oo isugu jiro dil iyo qarax isla markaasna aan lasoo qaban qoladii arrintaas sameysay.

Madaxweynaha ayaa amray inay si deg deg kusoo qabtaan dadkii falalkaas geystay ama ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ay dowladda u hayaan soo wareejiyaan si xilkaas loogu dhiibo shaqsiyaad awoodaas leh.

Arrintaan ayaa imaaneyso kadib markii ay magaalada Muqdisho ka dhaceyn weerar iyo dilal qorsheysan oo galaaftay nafaf badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada