daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo”, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyaan isu soo baxdyo Alle bari iyo Roob doon ah, Wuxuuna sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah, isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo baraxaan gobollada ay dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin.
Waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada, Wuxuuna shaaciyey in maalinta Talaadada ee soo socoto hadii Alle idmo ay Bulshada Soomaaliyeed sameeyaan isu soo baxyo Alle Bari iyo Roob doon, si Alle inooga Dulqaado abaaraha dalka aafeeyey.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at