daajis.com:- Akoonadii Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Xukuumadda ay ku lahaayeen Bankiga Dhexe ayaa mar kale la xiray, kaddib amar rasmi ah oo ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo gebi ahaanba lagu joojiyay in aan waxba lagala bixi karin akoonada Bankiga Dhexe.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maalintii saddexaad ay ka xiran tahay Labo Akoon oo Gobolka ku leeyahay Bankiga Dhexe, kaasoo mid ka mid ah ay ku xarooto lacagtaa Gobolka Banaadir uu ka helo Dekeda Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in xayiraadan ay saameysay dhamaan howlihii caadiga ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in xayiraadan ay tahay mid ka duwan tii la saaray maalmihii kala wareega xilka ee Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore, taasoo aheyd mid jirtay maalmo kooban, kaddibna dib loo fasaxay.
Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu amar ku bixiyay in la xiro dhamaan dhaq dhaqaaqa akoonada Wasaaradaha Xukuumadda ku leeyihiin Bankiga Dhexe iyo Xawaaladaha.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha ee xayiraada Akoonada Wasaaraddaha iyo Gobolka Banaadir ay tahay mid la xiriirta dhismaha Xukuumadda cusub, si aanay is daba marin u dhicin marka kala wareega Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa, isla markaana cid alla cidii lagu helo musuq maasuq sharciga la marsiin doono
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at