daajis.com:- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan xasaasi ah la qaatay taliska ciidamada AMISOM ee ka mid ah howgalka Midowga Africa ee ka socdo Soomaaliya kadib markii ay aad u xumaatay amniga Muqdisho.
Ra’isulwasaaraha ayaa sarakiisha ka dhageystay sida ay u arkaan amni xumada iyo falalka qorsheysan oo ay Al-Shabaab ka sameenayaan Muqdisho, waxayna usoo bandhigeyn qorshooyin cusub oo amaanka lagu sugayo.
Ra’isulwasaaraha ayaa saraakiishaan kala hadlay sida ugu fudud ee loo sugi karo amniga Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo muhiim u ah shaqada xukuumadda la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Saraakiisha uu Ra’isulwasaaraha la kulmay waxaa kamid ah Madaxda Midowga Africa: Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Ra’isulwaasaraha ayaa sarakiishaan u sheegay in dowladda Soomaaliya ay AMISOM uga fadhiso qorsho fadhiyo oo lagu sugayo amniga dalka, sidoo kalana wuxuu ka codsaday inay si dhaw ula shaqeeyaan xukuumadiisa.
Saraakiisha AMISOM ayaa si weyn usoo dhaweeyey hadalka Ra’isulwasaaraha iyagoo u ballan qaaday wada shaqeyn fiican iyo inay ka qeyb qaataan nabadgalyada dalka iyo sidii loola dagaalami lahaa Ururka Al-Shabaab ee dhibaatada ku hayo shacabka Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at