daajis.com:- Waxaa la helay si ku saabsan howlo halis ah oo ay wadaan maleeshiyada Al-Shabaab ee mar kasta ka shaqeyso baabi’inta ummadda Soomaaliyeed.
Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay Al-Shabaab dowladda Farmaajo la damacsan tahay qorshayaal halis ku ah deegaanada ay gacanta ku heyso dowladda.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa si weyn isugu diyaarinayo weeraro culus oo ay kusoo qaadaan dowladda Soomaaliya waxaana la arkayaa saan saan military oo ka socoto goobaha ay aadka ugu badan yihiin in doorka ay ku dhuumaleesanayaan.
Al-Shabaab ayaa doonayo inay fashiliyaan amniga Soomaaliya Maadaama ay u dhalatay dowlad ay jecel yihiin shacabka waana midda ugu weyn oo Al-Shabaab ku dhalisay qorshahaan dagaalka cuslus ah.
Al-Shabaab ayaa ka fakareyso sidii ay isaga hor keeni laheyd shacabka iyo dowladda cusub maadaama ay dhibaato ku tahay howlahooda Soomaaliya haddii ay midoobaan shacanka Iyo dowladda.
Meelaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa la arkayaa iyagoo diyaarinayo gaadiidkooda dagaal iyo hubka ugu culculus oo ay heystaan waxaana xogtaan ka helnay dad ku dhaw dhaw Al-shabaab oo aqbaartaas soo gaartay.
Maleeshiyadaan ayaa weeraro culus ku qaadi rabto gobolada ay ku sugn yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa waxayna qorsheeneynaa inay laba jibaaraan howlaha baabi’inta ah oo ay ka wadaan Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay diyaariso iyadana qorsho ay ku wajaheyso dagaalka ay Al-Shabaab qorsheenayaan, haddii aysan sidaasna sameyna waxaa gacanta ka bixi doono amniga Soomaaliya.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan Gobolada Soomaaliya, waxayna hadda ku sugan yihiin meelo kooban sidoo kalana waxay intooda badan ku sugan yihiin meelaha duur joogta ah si ay uga baxsadaan howgalka lagula jiro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at