Daawo: Diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho ka dejisay 60 Tan oo Raashin ah

Daawo: Diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho ka dejisay 60 Tan oo Raashin ah

daajis.com:- Diyaarada Turkish Airlines ayaa shalay ka dhabeysay balan-qaadkeeda ahaa inay Soomaaliya u daabuleyso 60 ton oo ah cunto nafaqeysan iyo daawo loogu tala galay xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta Soomaaliya.

Olole dhinaca Internet oo lacago loogu uruurinayay Abaaraha Soomaaliya oo ay sameeyeen bishii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jilaaga Ben Stiller, Colin Kaepernick oo ka tirsan Naadifa Ku/cagta Mareykanka ee NFL iyo xidigaha caanka ah warbaahinta bulshada sida Jerome Jarre ayaa 19 saacadood ku sameeyay lacag uruurin, waxaana ay uruuriyeen lacag gaareysa hal milyan oo dollar.


Ololahan oo uu fikirkeedu lahaa Jerome Jarre oo ah muwaadin u dhashay Faransiiska, balse ku nool Mareykanka ayaa markii u horeysay fariin dhinaca Twitter ugu diray Diyaaradda Turkish Airlines, isagoo marka hore ka baadi-goobay dhinaca Internet-ka diyaarad caalami ah oo aada Soomaaliya, waxaana durba u soo baxday Turkish Airlines.

Ninkan ayaa ka codsaday diyaarada Turkish Airlines in gargaar cunto ah u qaado Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka abaaraha ay saameeyeen ee ay macluusha daran heysato.

Ololaha deeq uruurintan oo cinwaankeedu ahaa “Ciiddanka Jacaylka ee Somalia “The Love Army for Somalia” ayaa noqotay farriin baahday oo ay ku soo biireen dad badan oo caan ah, kuwaasoo deeq uruurin ka sameeyay Internet-ka, iyagoo muddo 19 saacadood ku soo uruuriyay lacag Hal Milyan oo doolar ah.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ugu dambeyn maanta fulisay codsigii loo jeediyay oo ahaa in hal duulimaad oo qaadi kara 60 ton oo cunto nafaqeysan iyo daawo u daabusho Soomaaliya.

Diyaaradan xamuulka ah oo uu ku qornaa halku dhigii caan baxay ee “Ciiddanka Jacaylka ee Somalia “The Love Army for Somalia” ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo laga dejiyay raashinkii ay siday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada