Madaxweynaha Rwanda oo booqasho labo maalmood uga bilaabatay Jabuuti

Madaxweynaha Rwanda oo booqasho labo maalmood uga bilaabatay Jabuuti

daajis.com:- Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa booqasho qaadan doontaa labo maalmood uga bilaabatay dalka Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha Jabuuti ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Kagame ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Marwadiisa, waxaana inta uu joogo kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa Jabuuti.

Labada dal Jabuuti iyo Rwanda ayaa lagu wadaa inay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi ah, iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Sanadkii hore Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay magaalada Kigali ee dalka Rwadan.
Rwanda ayaa dib u soo kabasho aad u weyn ka sameysay colaadihii sokeeye ee soo maray dalkaas, waxaana ay ka mid tahay dalalka Africa ee horumarada ballaaran sameeyay 10-kii sano ee u dambeeyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada