MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Jeediyey Khudbad Qiiro iyo Xamaasad badan iyo Wuxuu uga hadlay (Daawo)

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Jeediyey Khudbad Qiiro iyo Xamaasad badan iyo Wuxuu uga hadlay (Daawo)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya maxamed  Farmaajo oo maanta Khudbad ka Jeediyey Munaasibada Ciidamada Xooga dalka ayaa siwayn uga hadlay Xaalada dalka Soomaaliya, Wuxuuna Horayn  mid mid ugu yeeray Saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee aaggaga dagaalka Muqdisho hoggaaminayay, Isagoona sheegay inay sidaas oo kale guud ahaanba dalka uga sifayn doonaan Al-shabaab.


“Waxaa xaqiijineynaa muddo 2 sanno ah inaan Shabaab dalka ka ciribtirno” ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay sida ay Dawlada uu Hogaamiyo uga go’antahay inay dalka Gaadhsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah. ” Waxaa balan qaadayaa in doorashada soo socoto in qof walba uu codkiisa dhiibto” Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayey Arimaha dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay inay Shaqo Abuur u samayn doonaan, Dhalinyarada SOomaaliyeed ee ku Nool Muqdisho, Somaliland, Puntland,  Galmudug, K/galbeed,  iyo Guud ahaanba dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay Arimaha Ciidamada, Wuxuuna sheegay in Musharakooda uu Bixiyey Labadii Bilood ee Xilka uu hayey, “Labo bilood ayaan joogaa, labada bilood ciidanka xoogga dalka mushaarkooda waa siinay”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada