Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeer kedis ah ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeer kedis ah ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda

daajis.com:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta kormeer kedis ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana kormeerkan qeyb uu ka yahay kormeero Ra’iisul Wasaaruhu ku sameynayo xarumaha Wasaaraddaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galayay shaqada Wasaaradda Maaliyadda, maadaama Wasaaraddan ay tahay mida ku shaqada leh dhaqaalaha soo gala dowladda.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha mid mid u booqday xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo agaasimayaasha ka wareysanayay sida shaqada u socdaan.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha warbixin shaqada Wasaaradda ka dhageystay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bilaabay kormeerka xafiisyada Wasaaraddaha, si uu u hubiyo shaqada ka socota, loona dar dar geliyo.
Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha soo rogay amaro ku aadan waqtiyada shaqo ee Wasaaraddaha ayaa waxaa xarumaha wasaaradaha laga dareemay dar dar xaga shaqada iyo mashquul badan, iyadoo shaqaale aanay horay u xaadirin jirin wasaaradaha ay bilaabeen inay tagaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada