SAWIRRO: Farmaajo oo waraaqaha aqoonsi ka guddoomay safiirka Itoobiya

SAWIRRO: Farmaajo oo waraaqaha aqoonsi ka guddoomay safiirka Itoobiya

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Itoobiya usoo magacoowday Somalia Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin, oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali, kana soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Qaabilaada Madaxweynaha oo aheyd mid hab maamuus leh oo la heer ah mida diblomaasiyadda caalamiga ah, ayaa waxaa la is dhinac dhigay calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, xilliga Madaxweynuhu guddoomay waraaqaha aqoonsiga.Shalay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo uu ka guddoomay Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Arbacada soo socota uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonto labo cisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada