Sawirro: Wasiir Beyle oo waaya waayo Soo Xusuustay Iyo Noloshii Muqdisho

Sawirro: Wasiir Beyle oo waaya waayo Soo Xusuustay Iyo Noloshii Muqdisho

daajis.com:-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh ayaa maanta booqasho lug ah ku tegay xaruntii bankingii ganacsiga ee loo yaqiin Silsilaweyne kuna yiiil degmada Shingaani iyo weliba baarkii caanka ahaa ee Cafe Nazonale.

Wasiirka ayaa booqashadiisa luga­baxsiga waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddiisa, waxaana uu sheegay in booqashadiisan ay aheyd mid uu ku dhex­galayay bulshada, wuxuuna sheegay in booqashadaan ay soo xusuusisay waayo waayo iyo xiligii uu ku fadhi ku diriri jiryay Cafe Nazionale.
Wasiir Beyleh oo ka mid ah wasiirada ugu dhaq­dhaqaaqa iyo wax­qabadka badan xukuumaddan cusub iyo tii ka horreysayba ayaanan ku ekeyn oo keliya jagadiisa wasiirnimo, waxaa uu sidoo kale yahay shakhsi bulshada guubaabiya qorana heesaha iyo gabayada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada