Xasaasi: Arrintii ay DF ka diiday Masar oo ay aqbashay Eritrea iyo Itoobiya oo dareemeysa xaalad halis ah

Xasaasi: Arrintii ay DF ka diiday Masar oo ay aqbashay Eritrea iyo Itoobiya oo dareemeysa xaalad halis ah

daajis.com:- Dhawaan ayey aheyd markii dowladda Masar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay saldhig Militari ka sameysato Gudaha Soomaaliya, waxayna dowladda u sheegtay Masar inaysan arrintaas macquul aheyn.

Dowladda Masar oo ka xumaatay go’aanka ay dowladda Soomaaliya gaartay, ayaa waxay wadahadal arrintaas ku aadan la furtay dowladda Eritrea oo lagu eedeeyey inay taageero siiso Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Masar ayaa la sheegaya inay dooneyso in ay cadaasi saarto dowlada Itoobiya oo ay isku qilaafsan yihiin Biyo xireenka Webiga Nile oo ay Itoobiya rabto inay hir galiso isla markaana ay ku bixineyso malaayiin doolar, waxayna tallaabdaan noqon doontaa mid halis geliso qaaradda Africa.

Sudan Tribune oo ah mid kamid ah wargeysyada ugu caansan Dalka Suudaan ayaa ka dhawaajiyey in Hoggaamiyayaasha Masaarida dhawaanahan culayska saarayeen dadaalka Diplomaasiyadeed si ay Dowladaha Gobalka, gaar ahaan Somalia, Djibouti uga heli lahaayeen Ballanqaad ku aadan inay Saldhig Milliteri iyo mid Ganacsi ka samaystaan dalalkaasi, maadaama ay ku fashilmeen codsigii ay u direen dowladda Soomaaliya oo la dhibaatooneyso heshiiska Saldhigga Berbera oo ay Imaaraadka dhisaneyso.

Dowladda Eritrea ayaa ka ogolaatay Masar inay gudaha dalkeeda ka dhisato saldhig Militari sida uu xaqiijiyey wargeyska Sudan Tribune.

Qoomiyadda Canfarta oo ah qoomiyad ku kacsan dowladda Eritrea ayaa ka dhawaajisay inay dowladda Masar Saldhig Militari ka sameynsan doonto saldhigga Nora oo dhaca Jaziirada Dahlak Island.

Qaar ka tirsan Saraakiisha Kooxda Mucaaradka The Red Sea Afar Democratic Organization (RSADO) ayaa banaanka soo dhigtay arrintaan ku aadan  saldhigga Masar ee Eritrea, waxayna shaacisay inay Dowladaha Eritrea iyo Masar kala saxiixdeen Heshiiskaasi, iyadoo ay Wafdi Heer Sare oo Masaari ah isbuucii hore booqdeen dalka Eritrea.

Ciidamada Masaarida ee lagu heshiiyey inay halkaas dagaan ayaa lagu sheegay  20,000 ilaa 30,000 oo Ciiddanka Badda Masaarida sida ay ka dhawaajisay jabhadda Mucaaradka.

Dalka Eretria ayaa waxaa saldhig Militari ku lahaa laba dal oo carbeed waxayna Masar noqon doontaa dowladdii sedexaad ee halkaas saldhig Militari ka sameysato, waxaana la ogyahay in Dalka Eritrea ay saaran tahay cuna qabateynta qaramada Midoobayee dhanka hubka markii lagu eedeeyey inay xiriir la leedahay Ururka Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa Dowladda Itoobiya waxayna  Siyaasiyiinta Dowladda Ethiopia walaac xooggan ka muujiyeen Danaha Masaarida ee ay ku hubinayaan inay Saldhigyo ku yeeshaan Geeska Afrika.

Redda Mulgeta oo kamid ah thiopia’s ruling Peoples Republican Democratic Front (EPRDF) ayaa ka dhawaajiyey in ujeedka ay masar ka leedahay saldhiggaas ay tahay inay carqaladeyso mashruuca Itoobiya ay ka wado wabiga Nile.

” Ujeedka ay Masar ka leedahay Saldhigga Militari ee Eretrea waa in la carqaladeeyo dhismaha Wabiga Nile ee Itoobiya, waxaana arrintaas gadaal ka riixayo cadowga Itoobiya oo ay ugu horeyso Al-Qaacidda” ayuu  Mulgeta u sheegay  Sudan Tribune.
Dowladda Masaarida waxay ka baqaysaa Mashruuca Biyo-xireenka laga dhisayo Webiga Nile ee ay Ethiopia ku bixisay Balaayiinta Dollar, waxaana xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ay dooneys inaysan ku lug yeelan qilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, waxana muuqata in arintaas darteed ay sii kala fogaanayaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya iyo Masar.

Halkaan hoose ayaad ka aqrisan kartaa warbixinta uu qoray wargeyska Sudan Tirbune 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada