daajis.com:- Kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilalka looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan maamulka.
Xildhibaanada laga qaaday xilalka ayaa waxa ay kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo Mooshin ka diyaarinaayay Hogaamiyaha maamulka.
Xildhibaanada xilalka ay ka qaadeen Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu kala Magacaabaa C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf .
Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Sababta Xilka looga qaaday Xildhibaanadaan ay yihiin Qaran Dumis islamarkaana uu Sharcigu uu xilka ka qaaday.
Haddaba marka loo fiiriyo dastuurka Jubbland waxaa muuqato in xil ka qaadistii ay tahay sharci darro, isla markaasna aanan xildhibaanada lagu soo eedeeyn mid kamid ah waxyaabaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada ku weyn karaan xilkooda.
Marka laga hadlayo dambiyada ay galaan Xildhibaanada, waxaa shuruud dastuuri ah inay maxkamad xukunto isla markaasna lagu xukumo muddo shan sano ah, markaas ayuu Xildhibaanka weyn doonaa Xilkiisa.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso waxyaabaha uu Xildhibaanka Jubbland ku weyn karo xilkiisa:

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at