Dowladda masar oo ka digtay saldhigga turkiga ka dhisaneyso Soomaaliya

Dowladda masar oo ka digtay saldhigga turkiga ka dhisaneyso Soomaaliya

daajis.com:- Safiiro iyo Diplomaasiyiin ayaa ka digay qatarta kasoo socota qorshaha Trukiga ee saldhig Militry uga dhisanayo Soomaaliya waxana ay shaaca ka qaadeen in qorshahaas uu handadayo amniga qaranka dalka Masar iyo kuwa Carabta.

Safiir hore oo Masar ugu qaabilsanaa arimaha Afrika ayaa sheegtay in joogitaanka Turkiga Soomaaliya ay tahay qatar ka dhan ah dowladda Masar waxana ay ku eedeysay inay maalgaliso kooxaha argagexisada.

Masar ayaa ku hanjabtay inay jiraan ciidamo dhulka ah oo soodimaha ilaaliya,waxana Masar oo ka baqdin qabta Turkiga  ay sheegtay in indhaha lagu hayn doono qorshaha saldhiga Militery ee Trukiga.

Axmede Xujaaj oo ahaa kaliyihii hore ee wasiirka arimaha dibada Masar ayaa sheegay in goor dhow sbadal lagu smaeyn doono hogaanka Ciidamada Turkiga waxa uu sidoo kale ifiyay in Trukiga saldhigaasi inuu ka hirgaliyo Soomaaliya uu ogolashiyo uga haysto dowladda Somaaliya.

Turkiga ayaa dhawaan shaaciyay n madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan uu furi doono saldhigaasi oo laga hirgalinayo meel u dhow garoonka Muqdisho waxaana la dhagax dhigay 2015-kii waxana dhimmaha saldhigaasi ku baxaya lacag dhan 50milion oo doolarka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa xaqiijiyay in saldhigaasi dhawaan la furi doono.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada