daajis.com:- Waxaa markale soo ifbaxaya arrinta ku saabsan heshiiska Saldhiga milateri ee Berbera, taasoo uu Maamulka Somaliland la galay Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa bishii april mooshin ka gudbiyay heshiiskan, iyadoo maalmo kadibna Madaxweyne Farmaajo safar ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta, balse wixii safarkaas ka dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid ka hadalka mooshinkan.
Hase ahaatee illaa iyo hadda madaxtooyada ayaan ka hadlin heshiiskan, waxaana dhowaan afhayeenka madaxweynaha Somaliland uu shaaciyay in dowlada Ethiopia ay ka heli doonto dhaqaale dekeda Berbera.
Qoraalka Jawaari u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu kaga dalbaday inay ku soo cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin heshiiskii Saldhiga Berbera
Hoos ka aqriso qoraal uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyo weliba qoraalo kale oo ku saabsan mooshinka ay xildhibaanada ka keeneen heshiiska Berbera.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at