MACSALAAMA MADRID: Gareth Bale oo ogolaaday inuu ku biiro koox ka dhisan Premier League

MACSALAAMA MADRID: Gareth Bale oo ogolaaday inuu ku biiro koox ka dhisan Premier League

daajis.com:-  Xiddiga Real Madrid Gareth Bale, ayaa ogolaaday inuu ku biiro Manchester United xagaaga soo socda ka dib markii uu lagaaray heshiis afka ah kooxda Red Devils.

sida laga soo xigtay wargeyska Diario Gol, ciyaaryahankii hore ee Wales ayaa doonaya inuu dib ugu laabto Premier League marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan.

Warbixintu waxay sheegtay in madaxaweynaha Real Florentino Perez uu ka niyad jabay xaalada dhaawacyo ee Bale, waxaana uu doonayaa inuu iska iibiyo xagaagan.

Eden Hazard ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda ka dhisan La Liga xilli ciyaareedka soo socda, waxaana kooxda Madrid ay bixin donta lacagta rikoorka dunida ugu qaalisan ee ciyaartooy lagu iibsado.

Bale ayaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxda United xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay oo dhan, laakiin garab Wales ayaa hadda heysta fursad uu ugu dhaqaaqo Red Devils.
Jose Mourinho ayaa ku dhibtooday inuu helo gool dhaliyaal badan xilli ciyaareedkan, waana sababta ugu weyn ee uu u doonayo saxiixa Bale.

Eden Hazard oo katirsan Chelsea ayay xooga saareysaa Madrid xili ciyaareedka soosocda, waxaana kooxda Red Devils ay u tahay taasi fursad weyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada