daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Qatar ay u balan-qaaday dowladda taageero dhaqaale.
Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro labada dhinac ka socday.
Dowladda Qatar ayaa balan qaaday inay dowladda Soomaaliya ka taageereyso dhinacyada dib u heshiisiinta, Amniga iyo dib u dhiska.
Sidoo kale Qatar ayaa u balan-qaaday dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo lagu kabi doono miisaaniyadda dowladda.

Qatar ayaa lagu xantaa inay lug ku laheyd doorashadii Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay xiriir dhow la leedahay shaqsiyaadka aadka ugu dhow Farmaajo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at