MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka Jawaabay Cabashadii Reer Afgooye, Wuxuu kusoo Arkay iyo Booqashadii

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka Jawaabay Cabashadii Reer Afgooye, Wuxuu kusoo Arkay iyo Booqashadii

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas, Wuxuuna ka Jawaabay Waxa uga soo baxay Hadaladii kala duwanaa ee ay usoo Jeediyeen.

“Marka aan hadalkiinna dhageystay waxaa iisoo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahantahay, waana dib u heshiisiin, dib u dhis iyo dib u xoreyn, Waxaana Saddexdaas aasaas u ah caddaaladda. Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha Nabad diidka ah, isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada