Trump oo safar qarsoodi ah ku tagi doona afar dal oo aan horay uga dhexeen xiriir

Trump oo safar qarsoodi ah ku tagi doona afar dal oo aan horay uga dhexeen xiriir

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump, ayaa lagu wadaa in Safar gaaban oo aan la shaacin uu ku gaaro dalka Sacuudiga.

Sargaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha uu gaari doono dalka Sacuudiga isagoo dowlada Sacuudiga kala hadli doona arrimo dhowr ah oo aan la shaacin.

Sargaalka ayaa sheegay in qorshaha Trump uu yahay inuu isku maro ilaa afar dal oo ay ku jirto Sacuudiga kuwaa oo uu kala xaajoon doono arrimaha Syria.

Dalalka lagu wado inuu booqdo Trump ayaa waxaa kamid ah Israel, Vatican iyoBelgium.

Booqashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horeeyay ee Trump ku tago dalal shisheeye tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Trump, ayaa la sheegay in safarkiisa afarta dal uu qaadan doono min hal maalin iyadoo markii leysku geeyo ay noqon doonto afar cisho oo xiriir ah.
Geesta kale, Trump ayaa aad uga soo horjeeda dhaqdhaqaaqyada ka socda dalka Syria.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada