Wadamo ka tirsan IGAD oo ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka London iyo sabab la yaab leh oo jirto

Wadamo ka tirsan IGAD oo ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka London iyo sabab la yaab leh oo jirto

daajis.com:- 11 Bishaan waxaa Magaalada London si rasmi ah uga furmi doono shirka loo qabanayo Soomaaliya kaasoo la filayo inay kasoo qeyb galaan ku dhawaad 40 dal iyo Madaxda kala duwan ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shir aad muhiim ugu ah Soomaaliya inkastoo aan la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeyso, haddaba waxaa shirkaan ku gacan seeray inay kasoo qeyb galaan dowlado la filayey inay safka hore ku jiraan.

Dowladaha IGAD ka tirsan ee aan shirkaas ka qeybgeli doonin waxaa kamid ah Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Suudaan iyo dalka Uganda oo ah dalka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, weliba laf dhabar u ah howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Dowldaha IGAD ka tirsan ee shirkaan aan kasoo qeyb geli doonin ayaa la soo sheegayaa inay ku andacoonayaan inaan shir looga hadlayo argagixisada Soomaaliya aysan macquul aheyn in lagu qabto Ingiriiska, midaas ay tahay arrin shaki abuuri karto, waxayna bilaabeen inay ka gaabsadaan ka qeybgalka shirkaas.
Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadol  oo soo xiganeyso Diplomaasiyiin ayaa daabacday in shirkaas casuumadiisa loo kala diray wadamo badan oo ka mid ah adduunka, waxaana casuumadaas ku saxiixnaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Ingiriiska .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada