Daawo Video: Dr. Baadiyow “Go’aanka Dawladda ee Khaliijku waa Geesinimo, Iyo Dalka Soomaliya oo madax banaan”

Daawo Video: Dr. Baadiyow “Go’aanka Dawladda ee Khaliijku waa Geesinimo, Iyo Dalka Soomaliya oo madax banaan”

daajis.com:- Qaybaha kala duwan ee Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Taageeray Go’aanka Dawladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.


Siyaasiga C.raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in Go’aanka Dawladda Soomaaliya uu Muujinayo Geesinimo iyo Madaxbanaani, Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya Burburiyeen Dawlado kale Khilaafkooda oo la dhex galo, Wuxuuna xusay in Soomaaliya ay u baahantahay Siyaasad Madax banaan oo Danaheeda ka turjumaya, Wuxuuna sheegay in go’aankaasi yahay mid loo Aayi doono Mustaqbalka danbe.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow ayaa sheegay in Xiisada u dhaxaysa dalalkaasi Lagu dhameeyo Miiska wada hadalka, Wuxuuna Culimada ugu baaqay in la damiyo colaadaha ka dhex jira Dalalka Islaamka, Sidoo kale Xildhibaan Dahabo ayaa taageertay Go’aanka Dawlada ay qaadatay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada