daajis.com:- Washington iyo Doha ayaa gaaray heshiis sheegayo in Qatar laga iibiyo diyaarado dagaal oo noocoodu yahay F-15 iyadoo ay Qatar bixineyso lacag gaareyso ilaa 12 Billion oo Dollar Mareykanka, waxaana hadda la sheegayaa inuu madaxwyenaha Mareykanka Donald Trump wado dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo dowladaha Khaliijka.
Heshiiska diyaaradahaan lagu iibinayo ayaa waxaa saxiixay wasiirka Difaaca Qatar Khalid Al Attiyah iyo dhigiisa Mareykanka Jim Mattis wuxuuna heshiiskaas Arbacadii ka dhacay Magaalada Washington DC sida ay xaqiijisay Wakaaladda wararka Qatar ee loo yaqaan Qatar News Agency (QNA).
Heshiiskaan ayaa tilmaamayo in dowladd Qatar laga iibiyo ilaa 72 diyaaradood oo nooca F-15 loo yaqaan, wuxuuna qorshaha heshiiskaan soo bilowday February 2016, waxayna Qatar xoogga saareysaa inay adkeyso xiriirkeeda amni iyo midka shaqo ee ka dhaxeeyo Washington iyo Doha.
Labada wasiir ayaa isla meel dhigay inay labada dowladood si wadajir ah ula dagaalamaan Ururka ISIS, sidoo kalana si deg deg ah loo xaliyo Khilaafka dowladaha Khaliijka si dagaalka lagula jiro waxa ay ugu yeereen Argagixisada la isaga kaashado.
“ Heshiiskaan wuxuu bilow u yahay horumar istaraatiiji ah oo laga sameenayo xiriirka difaaca ee u dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar, waxaana diyaar u nahay inaan iskaashi Militari la sameysano Mareykanka” ayaa yiri Attiyah
“ Waxaan dowladda Qatar siineynaa diyaarado dagaal si kor loogu qaado iskaashiga Militari ee ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka.

Heshiiska diyaaradaha looga iibinayo Qatar ayaa imaanayo asbucu kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka Trump uu heshiis hub iibin ah la galay dowladda Sacuudiga kaasoo kacayo 110 Bilyan oo Dollar.
Dowladda Mareykanka ayaa u muuqato inay hub isugu dhiibeyso Carabta si ay meesha uga baxdo awooda dowladaha Islaamiga ah, wuxuuna Madaxweynaha Mareykanka dhawaan sheegay inuu isaga ka dambeeyo Khilaafka dowladaha Khaliijka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at