Benjamin Mendy oo Manchester City ku soo biiray

Benjamin Mendy oo Manchester City ku soo biiray

daajis.com:- Benjamin Mendy ayaa xilli ciyaareedkii hore ka hor yimid kooxda Manchester City mar ay ku wada kulmeen Koobka Horyaalada 

Benjamin Mendy ayaa xilli ciyaareedkii hore ka hor yimid kooxda Manchester City mar ay ku wada kulmeen Koobka Horyaalada Yurub
Ciyaaryahan Benjamin Mendy ayaa 52 milyan oo gini ugu soo biiray kooxda Manchester City isagoo ka soo tegay kooxda Monaco.

Ciyaaryahankan ayaa noqonaya daafaca ugu qaalsan kubadda cagta adduunka.
23 jirkan u dhashay dalka Faransiiska ee ka dheela dadabka bidixe ee daafaca ayaa kooxda Manchester City u saxiixay qandaraas gaaraya muddo 5 sanno ah.
Benjamin Mendy ayaa noqonaya ciyaaryahankii shanaad ee xilli ciyaareedkan ku soo biira kooxda Manchester City, iyadoo kooxduna ay ilaa iyo haatan kharashgaraysay in ka badan 200 oo milyan oo gini.

Mendy ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu kooxdiisii hore ee Monaco u saftay 34 kulan, waxa uuna kooxdaasi ka caawiyay in markii ugu horreysay muddo 17 sano ah ay ku guulaysato Horyaalka Faransiiska ee Ligue 1-ka.

Ciyaaryahankan ayaa xilli ciyaareedkii kan ka horreeyay kooxda Monaco uga soo biiray kooxda Marseille.

Manchester City ayaa horay ula soo wareegtay daafaca midige ee xulka Ingiriiska Kyle Walker oo ay ku soo gateen 45 milyan oo gini, ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela xulka Burtiqiiska Bernardo Silva oo ay soo siisatay 43 milyan oo gini, Goolhayaha u dhashay dalka Brazil Ederson Moraes oo ay ku soo qaadatay 35 milyan oo gini iyo daafac Danilo oo ay Real Madrid uga soo gadatay 26.5 milyan oo gini.
Waxa ay kooxdu iska iibisay daafacoodii dadabka bidixe Aleksandar Kolarov, oo Roma ugu biiray kharash gaaraya 4.5 milyan oo gini.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada