Xog: Akhriso 5 qodob oo uu Roobow ku xiray isku dhiibida DF Somalia

Xog: Akhriso 5 qodob oo uu Roobow ku xiray isku dhiibida DF Somalia

daajis.com:- Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee maleeshiyada Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa weli wadahadal kula jira Dowlada Federaalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Roobow ayaa ku adkeysanaaya inay ka go’an tahay isku dhiibida dowlada Federaalka, balse waxa uu taa bedelkeeda baadi goob ugu jiraa cida la fahmi laheyd Shuruudaha uu doonaayo in loo aqbalo.

Roobow ayaa sheegay inuu gali doono gacanta dowlada haddii la meelmariyo 5 Shuruud oo kala ah:-

1 – In si madax-banaani ah uu ugu dhex noolaan karo meesha uu doono, oo Somalia ah, haddii uu is-dhiibo.

2 – Inaan loo gacan galin doonin Sirdoonka heerka caalami ee ku dhaqan Somalia iyo guud ahaan kuwa kale.

3 – Inaan lagu khasbi karin in lala sameeyo wareysiyo, isagoo laga raadinaayo macluumaad ku saaban dhinacyada ay wada shaqeeyan ama soo wada shaqeeyen.

4 – Inaan lala maamuli doonin Ilaalada uu iminka heysto, isla markaana loo aqoonsan doono kuwo lamid ah ciidamada dowlad, iyadoo laga diiwaan galinaayo xarumaha ciidamada.

5 – Inaan laga dalban doonin wada shaqeyn mid Qaran iyo mid Sirdoon.
Mukhtaar Roobow ayaa tilmaamay inuu rumeysan yahay Qaran mideeya Umadda Soomaaliyeed, balse uu aad uga soo horjeedo in la dhalanrogo wixii khuseeya diinta Islaamka.

Geesta kale, Roobow ayaa dhowrkaasi qodob la wadaagay DFS iyo Xubno Beesha Caalamka ka tirsan, waxa uuna iminka yahay mid sugaaya Jawaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada