Xogo kusoo kordhaaya sababta ka danbeysay xariga Fannaanada Nasteexo Indho

Xogo kusoo kordhaaya sababta ka danbeysay xariga Fannaanada Nasteexo Indho

daajis.com:- Waxaa muddo saacado ah Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray Fannaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee dhawaan show ku qabatay Magaalada muqdisho.

Nasteexo Indho ayaa xiliga lagu xiray Garoonka kusii jeeday magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xariga Nasteexo Indho ayaa soo degdegay kadib markii ay diiday in baaritaanada lagu sameeyo boorsooyinka ay ku safreysay oo ahaa kuwo aad u cuslaa.

Fannaanadu waxa ay diiday in lagu adkeeyo baaritaanka waxaana loo diray Saldhiga ciidamada Booliska ee ku dhexyaal Garoonka Aadan Cadde, halkaa oo lagu xiray saacado kooban ka hor inta aysan duulin diyaaradii ay ku qorneyd.

Fannaanada ayaa halis u gashay inay ka tagto diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneyd in ay raacdo waxaana ku wehlinaayay safarka ninka lagu maacaabo DJ Subeyr oo ku caanbaxay howlaha muusikada.

Xoggo kaa ka duwan ayaa sheegaya in Fannaanada ay u gaftay Taliyaha Booliska Garoonka oo xiliga ku adkeystay in baaritaanka lagu adkeeyo Fannaanada maadaama ay si kas ah u diiday in labaaro.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgala Garoonka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Fannaanada ay waday alaabo ka mamnuuc ahaa in lala koro diyaarada taa oo sabab u aheyd inay isku dhacaan iyada iyo Taliyaha.

Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in xariga Fannaanada uu sii xoojiyay qoraal ay kusoo qortay baraha Bulshada oo ay uga been sheegeyso howl ay ciidamada Booliska ka qabteen Muqdisho oo ay iyadu sheegtay in howshaasi iyada loo qabtay.

Waxyaabaha ay baaritaankooda diiday ayaa waxaa ku jiray Laptob iyo qalab kale oo ay u isticmaasho heesa kuwaa oo sharci ahaan la faray ciidamada inay si adag u baaran.

Fannaanada Nasteexo ayaa magaalada Muqdisho ku sugneyd muddo maalmo ah, waxa ayna bandhig faneed ku qabatay Garoonka Banaadir Stadium.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada