Daawo: Doorashada madaxtinimada ee dalka Rwanda oo maanta loo dareeray

Daawo: Doorashada madaxtinimada ee dalka Rwanda oo maanta loo dareeray

daajis.com:- Goobaha doorashooyinka ayaa maanta la furay, waxaana dadka ay u dareereen codbixinta doorashada ka dhaceysa dalkaasi.

Ku dhowaad 7 million oo qof ayaa iska diiwaan geliyay doorashada maanta oo jimaca ah ka dhici doonta dalkaasi, iyada oo si weyn loo hadal hayo in uu ku guulaysan doono madaxweyne Paul Kagame.

Philippe Mpayimana oo ah musharax madax banaan iyo Habineza oo ka tirsan xisbiga Democratic Green Party, ayaa iyaguna ka qayb galaya tartanka. Laakiin midkoodna lama filayo in uu tartan adag la geli doono Kagame oo talada dalka hayey ilaa sannadkii 2000.


Madaxweyne Kagame ayaa dalalka dibaddu aragtiyo kala duwan ka qabaan, laakiin taageerada ballaaran ee uu ka hayso gudaha ayaa suurto gelin karta inuu doorashooyinka guul wayn ka gaaro.

Kagame ayaa lagu ammaanaa kobaca dhaqaale ee xawliga ah ee Rwanda, laakiin dadka dhaliilaa waxay ku eedeeyaan in uu cabudhiyo mucaaradka iyo xorriyadda siyaasadda ee dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada