DAAWO SAWIRRO: Soomaalida Maraykanka Oo Banaanka Iskeenay, Fariinna u Direy Shacabka..

DAAWO SAWIRRO: Soomaalida Maraykanka Oo Banaanka Iskeenay, Fariinna u Direy Shacabka..

daajis.com:- Kadib markii dalka Mareykanka ay ku kordheen weerarada salka ku haayo Islaam naceybka, islamarkaana ay gaysanayaan dad cunsuriyiin ah oo u dhashay dalkaasi, ayaa Soomaalida ku nool Mareykanka waxa ay dalbadeen Dowladda inay wax ka qabato dhibaatooyinka Islaamka loo gaysto.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii  qarax lagu tuuray Masaajid ku yaala Magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota, falkaasi oo uu ka dambeeyay nin cadaan ah oo dalkaasi u dhashay.

Maareeyaha Guud ee Masaajidka Darul-Faaruuq, Maxamed Maxamuud Cumar (Maxamed Carab) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falalka beegsiga dadka Islaamka lagu haayo inay argagax ku abuurtay dad badan oo Islaam ah.

“Run ahaan tii waa fal argagax leh, oo fool xun waan cambaareynaynaa, Guud ahaan Somalida degan dalka Mareykanka ayaa waxa ay muujijanayaan walaac arintani soo cusboonaatay waxaana ka codsanaynaa laamaha amaanka in ay wax ka qabtaan.”, Ayuu yiri.

FBI-da Mareykanka ayaa ku hawlan baaritaanka qarax lagu tuuray Masaajidka, inkastoo illaa hadda laamaha ammaanka aaney war ka soo saarin arintaasi.
Muslimiinta ku nool dalka Mareykanka ayaa falkaan wuxuu geliyay cabsi lixaad leh oo ku aadan in la bartilmaameedsado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada