Dawladda Ruushka oo go’aan Cusub ka Qaadatay Xiisada Khaliijka (Muuqaal)

Dawladda Ruushka oo go’aan Cusub ka Qaadatay Xiisada Khaliijka (Muuqaal)

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqasho ku tagay dalka Kuwait si uu Amiirka dalkaasi ugala hadlo waan waanta laga dhex wado dalalka Carabta Khaliijka ee xiisada ka dhex taagan tahay, Wuxuuna sidoo kale Booqday Dalka Qadar.


Waa markii ugu horeysay uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka uu booqasho ku tago dalalka Carabta tan iyo intii ay xiisada ka dhex dhexalatay xulafada Sacuudiga iyo Dowlada Qatar.

Waxaa todobaadkan isaguna booqasho ku yimid Kuwait Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo kulan noocaan ah la yeeshay Amiirka Kuwait Shiikh Sabah Al Ahmad Al Jaber Al Sabah.

Inta badan dalalka Caalamka ayaa taageeradooda u muujiyey in la dhex dhexaadiyo dalalka Khaliijka, waan waantaasi oo uu hogaaminayo Amiirka Kuwait walow dadaalkaasi uusan weli miro dhalin.

Waxaa la saadaalinayaa in ay wakhti qaadan doonto xiisada Khaliijka, maadaama dalalka xulafada Sacuudiga iyo Qatar ay weli si weyn ugu kala fogyihiin qaabka lagu gaari karo wax heshiis ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada