Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo Isaga Cararay Xamar, Dowladana Eedeyn Kulul u soo Jeediyay (VIDEO)

Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo Isaga Cararay Xamar, Dowladana Eedeyn Kulul u soo Jeediyay (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ee kalsoonida lagala noqday ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu cararay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa 14-kii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble, ka dib kulan deg deg ahaa oo ay ku yeesheen Xarunta kmg-ah ee maalmulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.



Madaxweynaha codka kalsoonida waayay oo duhurnimadii maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baledweyne ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladaasi wuxuu ku cadeeyay in uu ka soo guuray Jowhar uuna ku shaqayn doono maanta lagabilaabo magaalada Baledweyne.

Cali C/laahi Cosoble ayaa waxa uu Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay soo fara-geliyeen Maamulka Hirshabelle, isla-markaana ay ka shaqeeyen sida aan sharciga ahayn ee xilka looga qaaday, waa sida sida uu hadalka u dhigaye.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada