Muuqaal: RW. Xasan Cali Khayre oo ka yaabsaday Beesha Caalamka

Muuqaal: RW. Xasan Cali Khayre oo ka yaabsaday Beesha Caalamka

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda.


Mudane Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay bilowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka iney la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada