Roobow iyo Kheyre oo kulmay iyo xaaladda caafimaad ee Roobow oo aad u liidato

Roobow iyo Kheyre oo kulmay iyo xaaladda caafimaad ee Roobow oo aad u liidato

daajis.com:- Sheekh Mukhtar Roobow Abuu Mansuur oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladiisa caafimaad aad u liidato, maadaama uu ka cabanayo cuduro iyo daar badan oo soo wajahay intii uu duurka ku jiray.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur) oo galabta la keenay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Mukhtaar Roobow oo gaadiid gaar ahaa looga gelbiyay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa la geeyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somaliya, halkaasoo uu ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu si diiran u soo dhaweeyay in Abuu Mansuur uu isu soo dhiibo Dowladda Dhexe, isagoona bogaadiyay tallaabada geesinimada leh ee ninkaasi uu qaaday.

Caafimaadka darada waxaa u wehliso nafaqo darro iyo daal badan oo ka muuqdo, maadaama uu muddo 3 berri ah dagaal ku jiray sidoo kale uu 7 sano ku dhex noolaa meel duur ah oo aan laga helin waxyaabaha asaasiga u ah nolosha.

Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa saxaafadda u diiday in sawiro laga qaado Sheekha oo ay ka muuqato duruuf aad u daran, waxaana lagu wargeliyey in mar kale shir jaraa’id la qaban doono.

Sarkaal Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in diif iyo daalba laga dheehan karo Abuu Mansuur, iyadoo uu Arbacadii illaa Jimcihii uu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab.

Sarkaalka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ka tirsan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa  sheegay in tallaabada Saxaafadda loogu diiday inay muuqaalo ka qaaddo Abuu Mansuur ay tahay, in bal marka hore baaritaan xagga caafimaadka ahi uu maro, ka dibna uu shir jaraa’id Warbaahinta ugu faah faahiyo isu soo dhiibidiisa dowladda.

Waxaa la xaqiijiyey in Sheekha loo keenay Dhakhaatiir ogaato xaaladiisa caafimaad, waxaana hadda u bilaabatay qaadashada daawo .

Sheekh Mukhtaar ayaa hadda la dajiyey xarunta nabad sugidda ee Habar Khadiijo oo ah meel aad u fiican xagga amniga isla markaasna waxaa la xaqiijiyey inay halkaas hooy u noqon doonto.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada