Sawirro: Farmaajo oo la kulmay C/qaasim Salaad una sheegay qodobadaan….

Sawirro: Farmaajo oo la kulmay C/qaasim Salaad una sheegay qodobadaan….

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweyneyaashii soo maray Somalia burburkii kadib.

Farmaajo ayaa gurigiisa ku booqday C/Qaasim Salaad oo siyaasaadda ka fadhistay, wuxuuna ugu warbixiyay xaalada dalka iyo marxaladaha kala duwan ee dowladda cusub haysato.

C/qaasim Salaad oo ah away arag siyaasadda ku guda jiray tan iyo Kacaankii oo xilal wasiir kasoo qabtay ayaa madaxweyne Farmaajo oo siyaasadda mudo badan ku jirin ka dhageystay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xaaladda Somalia iyo habka Loola macaamilaayo dalalka deriska.

Farmaajo ayaa sheegay in wax badan oo taariikhda Somalia uu kasoo kororsaday madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan. 
C/qaasim Slaaad oo markii ay dhalatay dowladdii Kenya lagu soo dhisay kadib sanadkii 2005-kii u guuray magaalada Qaahir ayaa ilaa hadda halkaasi degan, oo ay ka war heyso dowladda Masar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada