Toos u daawo: Doorashada Kenya oo socota iyo Uhuru Kenyatta oo Hogaaminaya tirinta Codadka ilaa hadda

Toos u daawo: Doorashada Kenya oo socota iyo Uhuru Kenyatta oo Hogaaminaya tirinta Codadka ilaa hadda

daajis.com:- Uhuru Kenyatta ayaa ku horeeya tirinta cododka doorashada madaxtinimada Kenya, iyadoo natiijada horu dhaca ah ee la soo bandhigay ay muujineyso in Uhuru uu hoggaanka ku haayo codod gaaraya illaa 7 milyan, halka ninka ay iska soo horjeedaan Raila Odinga uu heysto codod dhan shan milyan.

Codeynta oo shalay gelinkii dambe la soo gaba gabeeyay ayaa lagu ammaanay inay si nabad ku dhacdo, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay ka dhaceysay doorashooyinka.


Guddiga doorashada Kenya ayaa ugu baaqay shacabka Kenya inay ka war sugaan natiijada kama dambeysta ah, iyadoo ay wali socoto tirinta cododka.

Kor joogayaash Caalamiga ah ayaa si aad ah isha ugu haya doorashada, waxaana meelo badan oo ay kormeereen ay sheegeen in doorashada si wanaagsan ku dhacday.

Xarunta Bomas ee tirinta ka socoto ayaa waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha Caalamiga ah.

Cabsi badan ayaa laga qabaa in natiijada kama dambeysta doorashada Kenya ay ka dhalato rabshado, iyadoo ay isa soo tarayaan walaaca ay dad badan ka qabaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada