Daawo Muuqaal: Xildhibaano oo meel Adag Ka istaagtay Arinta Qalbi-dhagax Iyo Taageerada Dawaladda ay Siiyeen

Daawo Muuqaal: Xildhibaano oo meel Adag Ka istaagtay Arinta Qalbi-dhagax Iyo Taageerada Dawaladda ay Siiyeen

daajis.com:- Xildhibaano ka tirsan Baarlaamaka Soomaaliya oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa si Buuxda u taageeray Go’aankii kasoo baxay Dawladda Soomaaliya.


Xildhibaan Daahir Amin Jeesow ayaa sheegay in golaha Wasiirada Arinta ay soo Bandhigeen ay ku Qanceen, ee laga gaadhay C.kariim Qalbi dhgax, Islamarkaana ay ku Taageerayaan, Wuxuu sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Dadka Arintaasi danaha gaarka ah ka leh ayuu ugu baaqay inay ka dhowrsadaan, Kicinta Dadwaynaha.

Xildhibaan C.laahi Goodax Barre ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay wax badan la socdaan, islamarkaana ay Taageero Buuxda siinayaan Go’aankasoo baxay Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed ayaa sheegay inaan diyaar loo ahayn in Soomaaliya ay dib ugu Noqoto Dhibaatooyinkii ay soo martay, Wuuxuna soo jeediyey in si Buuxda loo garab istaago Madaxda Dawladda Sooamaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada