MUUQAAL: Maxaa dhexmaray AMISOM iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir

MUUQAAL: Maxaa dhexmaray AMISOM iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan saacado badan qaatay maanta la yeeshay madaxda Midawga Afrika ee AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Ee AMISOM.


Guddoomiye Taabit ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Midawga Afrika u jooga Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamada AMISOM,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin dhibaatada ciidamada AMISOM ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhacdadii Argagaxa la heyd ee ka dhacday KM-4 ee gaariga AMISOM uu ku jiiray gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Ciidamada AMISOM ay u sugi lahaayeenAmaanka Gobolka Banaadir.

Saraakiisha AMISOM ayaa cudurdaar ka bixiyay dhacdadii ugu dambeysay oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu ku dhacay gaari kale oo uu watay muwaadin Soomaaliyeed.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer hore waxyeelo ugu geystey caasimada dalka ee Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed sidoo kale gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa gobolada dalka waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen dad rayid ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada