MUUQAAL: Xildhibaan Zakariye oo ugu Baaqay Dowladda inay iska soo saarto Cidii dhiibtay Cabdikariin Qalbi Dhagax

MUUQAAL: Xildhibaan Zakariye oo ugu Baaqay Dowladda inay iska soo saarto Cidii dhiibtay Cabdikariin Qalbi Dhagax

daajis.com:- Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay iska soo saarto cidii ka dambeysay in la dhiibo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ONLF, kaasoo dhowaan loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.


Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu waxaa uu ugu baaqay labada Gole ee Baarlamaanka inay tallaabo sharci ah ka qaado, isagoo xusay in arrintan ay aheyd khiyaano qaran oo aan laga aamusi karin.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in iyaga xataa ay khatar ku jiraan in loo dhiibo dowladda Itoobiya, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in Muwaadin Soomaaliyeed
“Ninkaas 8 maalmood ayaa la hayay, Qalad iyo kama’a kuma dhici dhiibidiisa, waxay ku dhacday kas iyo tashi, cida amartay ayaa rabnaa ama dowladda banaanka ha iska soo saarto cidii ku talisay iyo cidii dhiibtay, waxaa ku heysanaa Madaxda, ayaga daba joognaa waana khiyaano qaran”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada