Qarax ka dhacay Degmada Warta Nabada.

Qarax ka dhacay Degmada Warta Nabada.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow uu qarax xoogan ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin ee Degmada Warta Nabada.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan ee kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dhacay xili la isu diyaarinayay tukashada Salaada Cisho ee Waqtiga Magaaladaa Muqdisho.

Gaariga Qarxay ayaa marayay Nawaaxiga Masaajid lagu magacaabo Sheekh Cabdalla oo ku yaala isgoyska Cali Camiin waxaana jira khasaare soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu Qaraxa ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal usheegay in Qaraxa kadib goobta ay soo gaarin Ciidan katirsan Nabad SUgida Somaliya oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta qaraxa ka dhacay, waxa ay xireen wadada iyagoo dadka rasaas ku kala eryayay.

Maamulka degmada Warta Nabada ayaan wali ka hadal Qaraxa Caawa ka dhacay Cali Kamiin waxaana socda baaritaano ay sameynayaan Ciidamada Dowladda kuwaas oo ka wada xaafadaha Cali Kamiin, Xamar Bile ilaa Florence.
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmaha faraha ka sii baxay, waxaana joogta ka noqday toogashada ay geysanayaan rag la aaminsanyahay iney katirsanyihiin Xarakada Al-Shabaab.

Xalay Degmada Waaberi waxaa lagu dilay Janaraal Cabdulle Qururux oo ahaa taliye kuxigeenkii Saadka ee Ciidamada xooga dalka, waxaana lala dilay askari ilaalo u ahaa, waxa ay xiligaa ka soo bexeen Masjid ku yaala nawaaxiga Xarunta Degmada Waaberi.

Qaraxyada ayaan maalmahan ka jirin Magaalada Muqdisho, waxeyna Ciidamada adkeeyeen baaritaanada ay ku sameynayaan gawaraida soo gasha Magaalada ee ka timaada labada Shabelle.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada