Sawirro: Sidee ayey u dhacday soo dhaweynta Hogaamiye Waare ee magaalada Beledweyne

Sawirro: Sidee ayey u dhacday soo dhaweynta Hogaamiye Waare ee magaalada Beledweyne

daajis.com:- Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga hogaamiyaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka kuwaa oo magaalada Beledweyne uga qeybgalaayay shirar uu hogaamiyaha u aaday Beledweyne.

Wafdiga hogaamiyaha ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kala duwan.

Waxaa sidoo kale kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ee ku sugan gobolka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn kadib waxa uu Hogaamiyaha kulamo magaalada kula qaatay Maamulka gobolka, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada.

Safarka Hogaamiye Waare ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Beledweyne, maalmo kaddib markii lagu doortay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka Safarka Waare ayaa lagu sheegay in xal siyaasadeed uu ka dhex abuuraayo maamulka cusub iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan oo Seddexdii asbuuc ee ugu danbeysay aanu wanaagsaneyn xiriirkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada